Daawo muuqalka:munaasabad lagu xusayay maalinta xurriyada dalka jabuuti oo maanta laga qabtay magaalada b/weeyne

Number of View: 99

Munaasabad balaaran oo lagu maamuusayay 27-ka June oo ah maalintii uu faransiiska xoriyadda ka qaatay Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa waxaa lagu qabtay garoonka lamagalaay ee magaalada b/weeyne waxana sidoo kale koob lagu gudoonsiinayey naadigii ku guuleystay koobkii dhawaan soo idlaaday iyo abaal marinno la siiyay kooxihii ka qeyb galay tartankii uu soo qabanqaabiyay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.

Munaasabada lagu maamusayay maalinta xuriyada dalka Jabuuti ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka gaashaandhigga xukumadda federaalka,safiirka soomaaliya u fadhiya Jabuuti, abaanduulaha AMISOM, taliyaha cidamada AMISOM ee ku sugan gobolka hiiraan , gudoomiyaha gobolka, gudoomiyaha degmada b/weyne, qaar kamid ah xildhibaanada baarlamanka soomaaliya , siyaasiyiin iyo odayaasha dhaqanka gobolkan hiiraan .

Maalmo ka hor ayey aheyd markii uu soo gabagaboobay tartankii kooxaha kubadda cagta ee ka soconayey garoobka lamagalaay kaasi oo ay ka qeyb qaadanayeen 8 kooxood oo ka kala socday afarta xaafadood ee magaalada b/weeyne, iyadoona ay koobkaasi hanteen naadiga howlwadaag A oo ay finalka tartanka isku arkeen naadiga kooshin B oo ay ku lagdeen 3-2 waxana tartankaasi maaal galiyay madaxweynaha jamhuriyadda Jabuuti mudane Ismanciil Cumar Geele, waxana lagusoo beegay abaal marinta koobka la guddoonsiiyay ciyaartoyda kooxda howl-wadaag munaasibadda 27-ka june oo ku asteeysan maalintii ay Jabuuti xornimada ka qaateen dalka faransiiska sanadkii 1977-kii.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *