Laba gelin sheeko gaaban

Laba gelin
Sheeko gaaban


By Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”


April 26,2006


Ilaa saaka markii uu toosay dhiig baa afka
uga dhadhamayey. Markii hore wuxuu mooday in
uu afka ka dhiigayo dhawr jeer ayuuna
candhuuf iska soo muudiyey oo eegay dhiigse
kuma uu arag, haddana waxaad mooddaa in uu
xinjiro afka ku sito. Wuxuu ka fekeray
goorta iyo waxa uu dareenkaasi ka soo
raacay, wuuse xasuusan kari waayey. Wuxuu
isku dayey in uu is illawsiiyo laakiin ma
ahayn wax uu is illawsiin karo.


Markii waagu guduutay socodkii uu soo
bilaabay ayuu weli ku jiraa isaga oo
beegsanaya tuulo u jirta gelinsocod dheer.
Wuxuu ka soo jarmaaday cidla uu xalay u
hoyday halkaas oo uu kaga degay gaadhi
magaalo ka soo qaaday. Qorraxda oo la moodo
intii shalay lagu ogaa in ay aad uga weyn
tahay ayaa barta wejigiisa ku beegan ka soo
kudday. Cabbaar ka dibna wuu ku
indhodaraandaray, barqadiina dhidid badan
ayey ka daadisay. Surwaal jiinis ah iyo
shaadh madow waxaa u wehelisa funaanad uu
awel shaadhka ka dul gashanaa imikase madaxa
ugu duuban. Laba kabood oo uu qorijabka iyo
qaniinyada halaqa kaga soo gaashaantay ayuu
illan yahay. Garabkana waxaa u sudhan
shandad aan weynayn oo ay alaab yari ugu
jirto. Imika markii ay cadceeddu kululaatay
shaadhkii badhannada wuu u furay oo neecawdu
waxay ku dhacaysaa garan cad.


Qalbigiisa farxad baa ka buuxda, iyo filasho
wanaagsan. Xataa xalay markii uu cidlada
joogay wuu faraxsanaa. Degaanka u marayo
daawashadiisa wuu ku farxayaa. Aad buu ugu
farxayaa. In kasta oo uu muddo afar
sannadood ah ka maqnaa geed geed ayuu u
garanayaa. Waa dhulkiisii dhalasho iyo
dhallaannimo. Hilowga dalka kuu galaa kama
yara ka dadka kuu gala. Jeex walba, ban
walba, taago walba, godan walba, geed iyo
duddun walba oo ay indhihiisu arkaan haddii
ay qof yihiin laabta ayuu ku qaban lahaa oo
dhabannada ka dhunkan lahaa.


Xilligu waa gu dambeed ay dhibicda roobku
jeesatay, doogguse weli qof gaaban wuu
qarinayaa, dhirtuna caleen ayey la
ciiraysaa. Xareeddii dhowaan gelgelimaha
jiiftay imika waxay ku dambaysaa balliyada.
Duunyadu dabjoog iyo duurjoogba waa ay
hamuungoysay oo inta ay daaqayso waxaa ka
badan inta ay fadhido ama laacdamayso.
Siddeed iyo labaatanka dayrood ee uu jiro
inta badan dhulka wuu ka maqnaa, laakiin waa
dhulkiisii. Waxaa ka buuxda rayn rayn.


Sidaas oo uu u niyadsan yahay waxaa jira
dareen dhiillo oo marmar soo weeraraya. Waa
walaalkii oo intii uu isagu maqnaa nin ay
isku degmo yihiin qudha ka jaray. Laba sano
iyo dheeraad baa dhacdadaas laga joogaa,
laakiin dilku ma aha waxyaalaha sida fudud
ku duugooba. Waxbarasho imika u soo
dhammaatay ayuu isagu markaa dalka Masar ugu
maqnaa, markii uu dhagartaas maqlayna aad
buu uga xumaaday. In kasta oo mashaqada
wadahadal lagu qaboojiyey haddana wuu ka
welwel qabaa nolosha walaalkii iyo ragga
kale ee xigtada ah. Wuuse og yahay ilaa
haatan in la nabad qabo.


Maanta uma baahna in uu waxaas ka fekero
waayo wuu faraxsan yahay. Waxaa ka buuxa
dareenno iyo fikrado kale. Wuxuu ku
raaxaysanayaa dhulka iyo waxa dul saaran ee
uu daawashadooda indhaha iyo nafta ku
quudinayo. Wuxuu ku liibaanayaa udgoonka
kala duwan ee ubaxyada, xabagaha iyo doogga
ka soo baxaya ee sankiisa ku soo ururaya
dabadeed sambabbada u gudbaya haddana jidhka
oo dhan iyo nafta oo dhan ku faafaya.
Codadka shimbiraha, cida iyo guuxa xoolaha,
foodhida cambuulaha ay dabayshu afuufayso,
jiiqda laamaha isxoqaya, iyo shalalaxda
doogga iyo caleenta ay laydhu cayaarsiinayso
ayaa kaga filan in uu hoog walba oo dunida
ka jira illaawo. Marba geed ayuu midho ka
tiigsanayaa ama nicmo kale ayuu ku
foororsanayaa. Waa socdaal haddana waa
tamashle. Dhulku waa dhulkii. Laakiin
dhiiggan baas ee afka ka dhadhamayaa waa
maxay?!


Geed aad u weyn oo qararro ah ayuu hortiisa
ka arkay kuna farxay. Waa geed caan ah.
Wuxuu dhinacyada u kala bixiyey laamo aad u
laxaad weyn oo ay mid waliba kelideed geed
gooni ah noqon kari lahayd.  Jirridda aadka
u ballaadhani dhexda ayey ka dalooshaa oo
waxaa gala biyo badan oo muddo dheer roobka
ka dib laga cabbo lagana dhaansado. Jirridda
dhirta ee dalooshanta biyaha galaa waa moqor
waxaana lagu soo nuugaa dhuun, laakiin run
ahaantii kan moqor laguma sheegi karo, waayo
weynaan inta uu ka qabo waxaa la darsadaa
weelkii la doono. Biyahaas baaxaddooda
darteed dadka qaar waxayba ku sheegaan biyo
ay xididdadu dhusunka ka soo qaadaan.


Geedku waa kii uu yaqaanney. Markii uu
gaadhay si gacaltooyo leh ayuu u yara
dhirdhirbaaxay cabbaarna calaacalaha ku
cadaadiyey oo daaddaawaday. Haddii uu la
hadlo malaha wuu afgaran lahaa. Biyihii ayuu
gacmaha dardarsaday oo dhiiggii afka uga
dhadhamayey kaga luqluqday dabadeed cabbay.
Waxay ahaayeen biyo qabow oo nadiif ah oo
jidhka iyo naftaba qaboojinaya. Laakiin isla
markii uu ka dhaqaaqay dhadhankii dhiigga
ahaa afkiisa wuu ku soo noqday. Waar haddaba
balaayadani waa maxay?!


Wuxuu ku soo baxay adhi badan oo ay intiisa
dheregta la jiiftaa ka badan tahay inta
daaqaysa. Wuxuu ka dhex eegay cid la joogta
markii uu arki waayeyna iska dhaafay. In yar
ka dib waxaa ka soo hor baxay balli weyn oo
buuxa. Balligu wuxuu ku dhex yaal il bannaan
oo doog qariyey dhirtuna ku yar tahay.
Biyaha balliga iyo doogga waxaa ku kala
lingaxan diillin bacaad ah oo nadiif ah oo
diirran oo ay biyuhu ka durkeen. Halkaa
wuxuu ku arkay dhar dumar oo yaal, doogga
ayuuna ku gabbaday oo eegmada ku daydayay
bal cid meesha joogta. Markii uu cid arki
waayey sida askari dagaal ku jira ayuu
suxullada iyo jilbaha ku gurguurtay oo hore
u durkay ilaa uu dharkii u jirsaday toban
tallaabo oo keliya. Geed carmo ah oo
humbulan ayuu hoostiisa sida diinka isku
xabaalay labada indhoodna meel u bannaystay.
Haa, gabadh dhallin yar ayaa biyaha ku
jirta. Iyada oo baraadla ayey si deggan oo
raaxo leh marba dhan u dabbaalanaysaa.
Cabbaar ayuu halkii ka daawaday oo marka ay
qaarka sare biyaha kala baxdaba eegmada kula
suuxay.


Haddii uu u tago oo istuso wuu og yahay
dareenka aan wanaagsanayn ee ka dhalanaya.
Waxay ku xukumaysaa in uu yahay nin aan
anshax iyo dadnimo suubbanyn oo goor ay
dagan tahay ka danaystay. Isagana taasi
waxay ka dhigi lahayd bahal daciif ah. Maya,
inantii iskama uu didin iskumana dirin. Ma
qurux taa ka sarraysa oo uu arki lahaa baa
jirta? Hadhow waxa uu ka helaa waa
nasiibkii, imikase ma aha in uu iska didiyo
iskuna diro. Run ahaantii waxii uu
dabeecadda degaanka ilaa saaka qurux ka soo
daawanayey tan ayuu ku illaaway. Ugu horrayn
iyo ugu dambayn wuxuu si walba u daawaday
laabteeda iyo labadeeda naas ee ugub, iyo
qoorteeda, iyo garbaheeda, iyo dhabarkeeda,
iyo dhabannadeeda, iyo timaheeda qoyan ee
hoos ugu seexday. Labadiisa indhood libiqsan
maayaan jeer ay dabayshu xanuunjiso.


Wuxuu u tooghayaa oo heegan u yahay marka ay
biyaha ka soo baxayso iyo qaarkeeda hoose.
Wuu hubaa in aanay jirin wax ka wanaagsan oo
uu maanta arki lahaa. Wuxuu bannaystay meel
uu marka ay biyaha ka soo baxdo si buuxda
jidhkeeda uga wada arki karo. Sawirro aanay
quruxdoodu xaddi lahayn oo xubnaheeda hoose
ku saabsan ayuu khayaaliga gashaday. Markii
ay soo baxdayna sawirradii oo dhami dhakhso
ayey u masaxmeen waxaana beddelay kuwo dhab
ah oo ka sii qurux badan. Ma waxaa jira wax
sidan u abuuran?! Ma qof bani aadam ah baa
sidaas u eg?! Wuxuu ku sigtay in uu ku boodo
oo isku duubo oo ku ooyo.


Markii ay dharka gashatay inta uu indhaheeda
iska eegay ayuu soo kacay isaga oo iska
dhigaya in uu imika yimid. Laakiin dhar
xidhashadeeda iyo imaatinkiisu sida ay isugu
dhowaayeen darteed waa ay garatay waxa uu
falay. Waa ay isu xanaajisay, markii uu
hadal u bilaabayna huruuf ayey ugu
jawaabtey. Isaga oo weli la hadlaya ayey ka
dhaqaaqday oo dhankii adhiga aadday. In ay
la sii joogto ayuu ku dadaalay kana codsaday
laakiin dheg uma ay jalaqsiin. Waa ay
xanaaqsanayd.


Markii ay ka tagtay wuu cidlooday wuuna
hiloobay. Dabadeed balligii ayuu isaguna
kaga dabbaashay isla meeshii ay kaga
dabbaalanaysey isaga oo maryahana dhigtay
isla meeshii ay dhigatay. Taas wuxuu ka
helay liibaan weyn. Wuxuu maleeyey iyaduna
in ay sidiisii meel ka soo eegayso, dabadeed
wuu qoslay dan kalese kama gelin.


Wuxuu ka fekeray inantan iyo Hibaaq tooda
qurux badan. Hibaaq waa gabadh uu ilaa
yaraantii jeclaa maantana guurkeeda u socdo.
Waxaa isugu dambaysey afar sannadood
hortood, wuxuuse hubaa dunida dumarka jooga
in ay ugu qurux badan tahay. Mar kasta oo uu
ka fekero, mar walbana wuu ka fekeraaye,
quruxdeeda wuxuu ku lammaansadaa
dabeecaddeedii macaanayd ee debecsanayd iyo
sidii naxariista badnayd ee ay isaga ula
dhaqmi jirtay.


Markii uu balligii ka baxay ee socodkii sii
watay wuxuu wadajir uga fekerayey gabadhii
uu soo arkay iyo Hibaaqda uu ku socdo ee
guursan doono. Isaga oo aan ku talogelin
ayuu cod dheer ku qaaday heestii ”Damaq
jacayl”. Haddii la maqli lahaa waxaa la
moodi lahaa qof waalan.

aan damaq jacayl
dad israba warkood
kaa daaddejee
waxay ugu darrayd
markii aan dul imid
taan dunida rabay
iyadoo doog dhex jiiftoo
daawanaysa ubaxoo
sow raaxo damacdayoo
durba garayski furatayoo


sii daysay timihii…


Dhadhankii dhiigga ayuu mar kale dareemay
aad buuna u necbaystay. Wuxuu ka fekeray
markii uu gabadha daawanayey dhiiggu in uu u
dhadhamayey iyo in kale, wuuse xasuusan
waayey. Kollay ma uu dareensanayn. Cabbaar
markii uu socday oo ay qorraxdu duhur
sheegatay wuxuu ku soo baxay saddex doob oo
geeljire ah oo geed hadhsanaya. Midkood ayaa
bunduq safaysanaya, labada kalena jeegada
ayey u jiifaan. Waxay siiyeen gaawe caano
geel ah oo qabow, waana ay haybsadeen,
isaguna wuu haybsaday.


Markii uu ka tegi lahaa waxay u sheegeen in
uu la cuno cawl ay disheen hilibkeeda oo u
bislaanaya. Wuxuuse la yaabay iyagana
weydiiyey hilibka ay ku soorayaan meesha uu
ku bislaanayo, waayo wax raq muujinaya
agtooda kuma uu arag. Laakiin markiiba
labadii jeegada u jiifay ayaa kacay oo meel
toban tallaabo u jirta ciidda kala xaadhay,
god hilib ugu muufoobayey ayeyna daboolka ka
rogeen. Hilibkii oo qiiq badani ka baxayo
ayey ku soo dul gureen laamo hohobeed oo ay
soo gooyeen, waxayna soo dhigeen halkii la
fadhiyey. Wuxuu ahaa hilib macaan oo udgoon
oo jilcay oo maraqu ka da’ayo. Laakiin isla
markii uu nimanka ka tegay, ee dhadhankii
hilibku afkiisa ka dhammaaday, waxaa ku soo
noqday dhadhankii dhiigga. Waar balaayadani
haddaba waa maxay?!


Maskaxdiisu waxay oggolaatay oo aan marnaba
ka baxayn Hibaaq. Afartii sano ee ay kala
maqnaayeen xaalkeeda joogto ayuu ula socday,
wuuna og yahay weli in ay isaga u joogto.
Run ahaantii tacliinta uu muddada dheer ku
maqnaa, noloshiisa magaalada iyo wax kasta
oo kale iyada ayaa uga qiimi badan. Mar kale
in uu arko ayaa wax walba uga weyn. Tuulada
uu maanta ku abbaaran yahay ayuu ka ogaan
doonaa reerkoodu halka uu deggan yahay.


Casardheere ayuu tuuladii soo galay. Weli
wuu faraxsan yahay, welise afka dhiig baa
uga dhadhamaya. Maqaaxidii uu fadhiistay
waxaa lala soo gaadhay bakeeri shaah ah oo
rasiin ah oo kulul oo ay sonkorta iyo
caddaysku ku badan yihiin. Bakeerigii oo
faaruq ah haddana weli kulayl la qiiqaya
ayuu hortiisa dhigay dabadeed dhidid badan
oo ka soo qubtay iska masaxay. Ilaa markii
uu hikibka ugaadha cunay aad buu u
xaraaradaysnaa. Bakeeri kii hore la mid ah
ayuu liqay dabadeed harraad ay biyuhu ka
bi’in waayeen ayaa ka ba’ay, daalkiina wuu
ka duulay. Inta uu shaaha cabbayo mooyee
waqtiga kale oo dhan afkiisa dhiig baa ka
dhadhamaya. Waar illayn balaayo!


Ragga uu meesha ugu yimid badankooda wuu
garanayaa. Wuxuu kale oo si fiican u
garanayey nin markii uu isagu maqaaxida soo
fadhiistay degdeg kadinka uga baxay. Waxay
walaalo yihiin kii gacanta walaalkii ku
baxay.


Waxaa loo tilmaamay meesha reer walaalkii
deggan yahay. Wuxuu kale oo ogaaday Hibaaq
reerkooduna in ay halkaa ka dhow yihiin.
Taas aad buu ugu farxay. Dabadeed goor ay
casar gaab tahay ayuu carraabe u anbabaxay.
Markii uu tuulada hagaag uga baxay, oo
keligii meel bannaan sii socdo, ayey xabbadi
diillinta dhabarka ka haleeshay. Dhankii
qaraxa ayaa la wada eegay, waxaana  la arkay
isagii oo dib u soo ordaya aadna u cabaadaya
afkana dhiig ka qubanayo. Neef geel ah
mooyee wax sidaas u cabaada weli lama arag.
Boorsadii yarayd ee garabka ugu jirtay iyo
kiish uu gacanta ku laallaadinayey midba mar
buu ka dhacay. Sidii uu u soo ordayey una
cabaadayey ayaa xabbad kale laabta lagaga
qaboojiyey. Dabadeed wuu istaagay, haddana
qunyar labada jilib oo wada socda dhulka ku
qotomiyay, haddana sidii qof sujuudaya
wejiga dhulka ku horraysiiyay, dabadeed wuu
wada qallibmay. Wuu sii yara kurbaday,
dabadeed illayn wuu dhintaye wuu dhaqaaq
daayey. Bal ha iska noolaadee may iska
daayaan!


Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”

[email protected]

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *